EREY-BIXIYE YAR

Dhismo odhaah

Odhaahi waxa ay u samaysan tahay sidii silsillad xidhiidha.

Jeg kom til Danmark sammen med min mand. Anigu waxan imid Danmark aniga oo la socda ninkayga.

Halkan soo socota waxa aynu ku arki doonaa silsilladaha kala jaadka ah.

Silsillad faleedka

Sida qaynuunku yahay waxa had iyo jeer ku jira hal silsillad faleed odhaahdiiba. Marka uu qof baadhayo silsilladaha kala jaadka ah ee odhaahda waa in uu ugu horayn baadhaa silsilad faleedka. Silsillad faleedku waxay ka kooban tahay hal ama dhawr fal (Casharka 1). Silsillad faleedku waxa ay ka kooban tahay waxqabad iyo xilliga la qabandoono wax soo socda.
Marka la hordhigo jeg ereyo kala jaad ah, ayaa la maqli karaa waa maxay silsillad faleedku.

(jeg jeg) (jeg kom) (jeg til) osv. (anigu anigu) (anigu waanimid) (anigu ku) i.w.m.
Jawaab: kom imid waa silsillad faleed

Calaamadda silsillad faleed waa: o.

Silsillad fale

Waxa ay badanaa leedahay odhaahi hal silsillad fale. Silsillad fale waa qofka ama walaxda waxqabadka samaysa, ee silsillad faleedku wax ka sheegayo. Silsillad faluhu waxa uu noqon karaa magac ama erey-magaceed (Casharka 2), magac u yaal (Casaharka 3), tusmo (Casharka 4) ama odhaah dhan.
Waxa lagu ogaan karaa silsillad fale marka la iswaydiiyo kuma ama maxaa iyo silsillad falaha.

Hvem kom? Kumaa yimid?
Jawaab: jeg aniga

Jeg waa silsillad falaha. Calaamadda silsillad falaha waa: x.

Silsilladda fal ku dhace toos ah

Silsilladda fal ku dhace toos ahi waa erey-magaceed ama erey magac oo kale ah oo wax qabanaya odhaahda gudaheeda. Silsilladda fal ku dhace toos ahi waxa ay ka koobnaan kartaa ereyo badan (Casharka 8).

Marka uu qof baadhayo silsillad fal ku dhace, waxa uu is weydiiyaa kuma ama maxaa iyo silsillad falka iyo silsillad falaha.

Hvem kom jeg til Danmark med? Yaa ila socday markii aan imid Danmark?
Jawaab: min mand ninkayga

Xilliyo- iyo meesha waxqabadka iyo silsillad-tilmaameedka

Odhaahyo badan waxad kale oo aad  ku arki kartaa marar badan xilliyo ama meesha waxqabadka.

Jeg kom til Danmark sammen med min mand. Anigu waxan imid Danmark anigoo la socda ninkayga.

Danmark waa meesha waxqabadka. Xilliyada iyo meesha waxqabadka waxa kale oo la yidhaahdaa silsillad-tilmaamaha, waayo silsilladda ayaa waxa ay ku bilaabantaa tilmaame (Casharka 6). La socda iyana waa silsillad-tilmaameed.

Faahfaahiyaha silsillad falaha

Faahfaahiyaha silsillad faluhu waxa uu sii sharaxaa silsillad falaha.

Jeg hedder Maria. Waxa la i yidhaahdaa Maria.

Falayaashan dabadood være, blive, hedde iyo kaldes waxa dhaca silsillad faahfaahiyaha silsilad falaha. Astaanta faahfaahiyaha  silsilladfaluhu waa: Ä.

Silsillad fal ku dhace dadban

Silsillad fal ku dhace dadbani waa silsilladda odhaahda ee sheegta kumaa waxqabadku ku dhacay. Waxa jira hal silsillad fal ku dhac dadban odhaahdiiba, haddii iyana ay jiraan hal silsilad fal ku dhac toos ah.

Han gav hende en blomst. Isagu wuxu siiyay iyada ubax.

Silsillad fal ku dhace dadban waxa lagu gartaa marka la is waydiiyo kuma ama maxay iyo silsillada falka, silsillad falaha iyo silsillad fal ku dhace toos ah.

Hvem gav han en blomst? Ayuu siiyey isagu ubax?
Jawaab: hende iyada

Silsillad fal ku dhacaha dadban waxa mararka qaarkood beddela silsillad tilmaameed.

Han gav en blomst til hende. Isagu wuxu siiyay ubax iyadda.

Falcaawiye

Fallalka qaarkood ayaa sheega in ka badan inay ka warramaan uun wax qabad. kuwaa waxa la yidhaahdaa falcaawiyeyaal. Kuwaas oo ah: have, være, blive, ville, skulle iyo . Falcaawiyeyaashu waxa ay la samaysmaan fal kale oo xilli kale ah.

Vi har sovet. Anagu waanu seexanay.
Vi skal rejse i morgen. Anagu waxa aanu safraynaa barito.

Waxa aad loogu sii sharaxay casharka kowaad, qaybaha 1.5, 1.6, 1.7 iyo 1.8.