8 Dhismo odhaah

8.3 Dhismo odhaaheedka weedh caawiyaha

Odhaah-nuxureed waa odhaah ka madax banaan odhaah kale. Odhaah-nuxureedku waxay istaagi kartaa kaligeed, laakiin waxay kaloo raaci kartaa odhaah-nuxureed kale ama weedh caawiye.

Weedh-caawiyuhu waa odhaah aan kaligeed istaagi karin. Weedh-caawiyuhu waxa uu had iyo jeer leeyahay hab dhismeedka odhaahda. Waa in had iyo jeer laga helaa xiriiriye bilowga odhaah-caawiye.

Odhaah-nuxureed:

Peter spiste kage, og bagefter kørte han hjem.
o   o

Peter wuxu cunay keeg, oo dabadeedna aadey gurigii.
o   o

Odhaah-nuxureed iyo weedh-caawiye:

Familien tager ikke på skovtur, hvis det regner.
o w

Reerku uma aado minjo baxsi kaynta, haddii  uu roob da’ayo.
  o w

Haddii weedh-caawiyuhu ka soo hordhaco odhaah-nuxureedka, waxa lagu isticmaalayaa habka kala wareejinta odhaah-nuxureedka.

Hvis det regner, tager familien ikke på skovtur.
w o

Haddii roob da’áyo, reerku uma aado minjo baxsi kaynta.
w o

Isbarbardhig:
Af soomaaligu waxa uu ku leeyahey habka habaysan ee dhismaha odhaahda, odhaah-nuxureedyada iyo weedh-caawiyaashaba.

SuÂ’aal waadixin ah