7 Xiriiriyayaal

7.2 Xiriiriyayaasha hoosdhiga

Xiriiriyayaasha hoosdhigu waxa ay isku xidhaan laba odhaahood. Waxa ay had iyo jeer wax ka sheegaan odhaah-nuxureed iyo odhaah-caawiso. Xiriiriyayaal-hoosdhigu waxa ay had iyo jeer hor dhacaan odhaah caa­wiyooyinka (eeg 8.3 Dhismo odhaah ee weedh-caawiyaha).

Mens jeg kørte, regnede det. Markii aan dhaqaaqey ayaa roobkii da´ay.
Hun spurgte, om jeg elskede hende. Waxay i waydiisay in aan iyada jecelahay.

Xiriiriyayaasha hoosdhigu waa: at, da, dengang, end, for at, efter at, fordi, før, førend, hvis, idet, inden, medmindre, mens, når, om, selvom, siden, skønt, som, som om, så at, uden at.

Hun spørger, om vi kommer i morgen. Iyadu waxay na weydiisay in aannu iman doonno barrito.
Han kommer, når han får tid. Isagu wuxu imanayaa marku hello wakhti.
Vi gik tidligt, fordi vi var færdige. Annagu waxanu tagnay goor hore, waayo waanu dhamaynay.

Isbarbardhig:
Xiriiriyayaasha hoosdhiga waxa loo isticmaaalaa af soomaaliga sida af dheenishka.

SuÂ’aal waadixin ah