7 Xiriiriyayaal

7.1 Xiriiriyaasha barbardhiga

Xiriiriyayaasha barbardhigu waxa ay isku xiraan erayo, odhaahyo iyo weedho isku nooc ah. Sidda erey-magaceed iyo erey-magaceed kale, tusmo iyo tusmo kale ama odhaah-nuxureed iyo odhaah-­nuxureed kale.
Xiriiriyayaasha barbardhiga waa: og, men, eller.

Manden og konen kører sammen. Ninkii iyo xaaskiisi way israaceen.
   
Kaffen er stærk, men dejlig. Qaxwuhu wuu adag yahay laakiin wuu fiican yahay.
   
Kommer du hjem i eftermiddag, eller kommer du først i aften? Ma waxaad imanneysaa guriga gallabta, mise ugu horreyn caawa?

Isbarbardhig:
Xiriiriyayaasha barbardhiga waxa loo isticmaalaa sidda af dheenishka.

SuÂ’aal waadixin ah