Tusmooyinka badidoodu waxbay heer-qiyaasi karaan. Taa macnaheedu waxa weeye tusmadu waxa ay ka sii warantaa heerer kala duwan oo la isu jimayn karo.
| Danmark er et koldt land. | Danmark waa waddan qabow. | 
| Norge er koldere end Danmark. | Noorway ayaa ka sii qabow. | 
| Grønland er koldest. | Greenland ayaa ugu sii qabow. | 
Tusmo waxa ay gadaal ku qaadataa -ere ama -re marka ay tahay heer weheliye iyo, -est ama -st marka ay tahay yool-gaadhiid.
| Jimaynta tusmo | ||
| Hab-aadaaseed | Heer-weheliye | Yoolgaadhid | 
| kold | koldere | koldest | 
| pæn | pænere | pænest | 
| varm | varmere | varmest | 
| Jeg er sulten. | Anigu waan gaajoonayaa. | 
| Han er mere sulten end mig. | Isagaa iga sii gaajo badan. | 
| Hun er mest sulten. | Iyadaa ugu sii gaajo badan. | 
| Jeg er interesseret i popmusik. | Anigu waxan xiiseeyaa popmusik. | 
| Hun er mere interesseret i rockmusik. | Iyada ka sii xiiseysaa rokmusik. | 
| De er mest interesseret i klassisk musik. | Iyaga waxa ugu sii xiiseeyaan musiga klassika ah. | 
| Jimaynta tusmo | ||
| Hab-aadaaseed | Heer-weheliye | Yoolgaadhid | 
| fremmed | mere fremmed | mest fremmed | 
| interesseret | mere interesseret | mest interesseret | 
Isbarbardhig:
  Af soomaaliga heer-jimaynta erey-tusmeedka waxa hor  dhaca ka sii iyo ugu sii, markaa heerka sare iyo heerka ka sii  sareeya. Waxa ay u dhigmaan mere iyo mest.