Magac u yaaladda tixraaca ahi waa kuwo dib u muujiya ereyga hor dhaca ama hogaamiya. Magac u yaalada badanaa caadiga loo isticmaalaa waa som iyo der.
Pigen, som hedder Susanne, bor i Nygade. | Inanta, la yidhaahdo Susanne, waxay ku degen tahay Nygade. |
Pigen, der hedder Susanne, bor i Nygade. | Inanta, la yidhaahdo Susanne, waxay ku degen tahay Nygade. |
Som iyo der waxa ay dib u muujinayaan pigen. Marka som iyo der ay yihiin falaha, qofku tuu doonaa ayuu isticmaali karaa som ama der. Haddii uu magac u yaalka tixraaca ahi ka mid yahay waxa uu toos falku ugu dhacayo, waxa la isticmaalayaa som.
Han spiste maden, som jeg gav ham. | Isagu wuxu cunay cuntadii, tii anigu aan siiyay. |
Isbarbardhig:
Af soomaaliga sadex erey ayaa u dhigma som iyo der: tii, la iyo kii. Ta waxa ay tilmaamtaa walax, la na dhadig iyo kii na lab.