Kalida waxa jira laba nooc: aan cayimnayn iyo cayiman.
Habka aan cayimnayn erey-magaceedka lama yaqaan.
En dreng larmer altid. | Wiil ayaa qeyliya had iyo jeer. |
Et hus bliver repareret. | Guri ayaa la dayac tiray. |
Habka cayiman erey-magaceedka waa la yaqaan.
Drengen larmer altid. | Wiilku wuu qeyliyaa had iyo jeer. |
Huset bliver repareret. | Guriga waa la dayactiray. |
N-erey oo ah habka cayiman wuxu ku dhamaadaa -en.
Haddii ereygu sidiisaba ku dhammaado -e, waxa gadaal lagaga darayaa oo kaliya -n.
T-erey oo ah habka cayiman wuxu ku dhammaadaa -et.
Hadii ereygu sidiisaba ku dhammaado -e, waxa gadaal lagaga darayaa oo kaliya -t.
Erey-magaceed kali ah |
|
Aan cayimnayn |
Cayiman |
en avis |
avisen |
en have |
haven |
et hus |
huset |
et værelse |
værelset |
Isbarbardhig:
Waxa uu leeyahay af soomaaligu oo kale habka cayiman iyo ka aan cayimnayn. Erey-magaceedyada cayiman badidoodu waxay ku dhamaadaan -ka, ama -ku.