1 Falal

1.7 Habka aan firfircoonayn

Falalka oo dhan intooda badani waa habka firfircoon. Habka firfircoon waxa uu leeyahay, waa falaha ka wax qabanayaa ee falku ka hadlayo.

Pigen spiser et æble. Inanti waxay cuneysaa tufaax.

Pigen waa falihii oo spiser waa falkii oo ah habka firfircoon. Falku wuxu noqdaa oo kale habka aan firfircoonayn. Habka aan firfircoonayn waxa uu leeyahay, waa falaha ka aan firfircoonayni.

Et æble spises af pigen. Tufaaxii waxa cunay inantii.

Et æble waa falaha, oo spises waa falkii oo ah habka aan ­firfircoonayn, iyo af pigen waa xiriir tilmaamayaal. Et æble waa falaha, laakiin  dabcan ma firfircoona. Habka aan firfircoonayni waxa uu   u sameysmi karaa laba siyood. Kow, iyadoo gadaal lagaga daro -s ereyga falka, ama la jirto habka at blive iyo habsifeed gaaban.

Habka aan firfircoonayn ee ku dhamaada -s, waxa la isticmaalaa marka wax caam yihiin ama marrar badan dhacaan. Habkan waxa lagu istimaalaa xafiiska macaamilka shaqadda. Hadday tahay fal jooga waxa gadaal lagaga darayaa -s xadlaawaha: Hadduu yahay fal tagay, waxa gadaal lagaga darayaa -s hab -faleed tagay.

Grøntsagerne koges i 15 min.

Qudaartu waxay karsantaa rubuc saac.

Stoffet sys sammen i siderne. Waaraadkii waxa la iskaga tolay dhinacyadda.
Postkassen tømtes kl. 9. Sanduuqa boosta waxa la madhiyaa 9. saac.

Habka aan firfircoonayn uu la jiro habka at blive iyo hab-tusmeed gaaban (eeg 1.5 Fal hore oo macno leh hadda), waxa la isticmaalaa marka laga hadlayo waxqabad dhici kara hal mar kaliya.

Odhaahda afka, waxa badanaa la isticmaalaa blev, marku jiro fal tagay oo aan lahayn -s, inkasta oo laga hadlayo waxqabad dhaca marar badan.

Et æble bliver spist af pigen. Inantu waxay cunaysaa tufaax.
Et æble blev spist af pigen. Inantu waxay cuntay tufaax.

Isbarbardhig:
Af soomaaligu wuu leeyahay habka aan firfircoonayn laakiin waxa la isticmaalaa marmar.

SuÂ’aal waadixin ah