1 Falal

1.4 Falal tagey

Falal tagey waxa ay wax ka sheegaan dhacdooyin hore oo xilligoodu cayiman yahay.

Hun vaskede tøj. Iyadu waxay maydhay dharkii.
Pigen spiste maden. Inantii waxay cuntay cuntadii.

Halkaa waxa aad ka arki kartaa laba waxyaalood oo u joogta ah higaadinta fal tagey. Higaada hore waa hab aasaaseedka falka oo gadaal lagaga daray -ede. Kan labaadna waa hab aasaaseedka falka oo gadaal lagaga daray te.

Falal tagey oo ku dhamaada -ede

Hab-aasaaseed

Fal jooga

Fal tagey

lav

laver

lavede

bo

bor

boede

vask

vasker

vaskede


Falal tagey oo ku dhamaada -te

Hab-aasaaseed

Fal jooga

Fal tagey

køb

køber

købte

spis

spiser

spiste

lås

låser

låste

Gaar: Falalka aan joogtada ahayn waxa ay u kala higaadsami karaan habab badan oo kala duwan.Waxa jira qiyaastii 150 fal oo aan joogto ahayn.

Falalka aan joogtada ahayn

Hab-aasaaseed

Fal jooga

Fal tagey

går

gik

stjæl

stjæler

stjal

se

ser

Isbarbardhig:
Af soomaaliga waxba uma dhaxeeyaan fal tagey iyo joogto dareerto. Fal tagey hab aasaadeedka ayaa gadaal wax lagaga daraa. Sida fal jooga ayaa fal tageyna uu leeyahay habka labka iyo dhadiga ee qof 3. aad oo kali ah, sidoo kale weeye habka caamka ahi.

Anigu waxan iibsaday roodhi. 
Isagu wuxu iibsaday roodhi. 
Iyadu waxay iibsatay roodhi.

SuÂ’aal waadixin ah